Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Nico O’Reilly ayaa uga digay Arsenal in ay si dhow u baacsanayaan.
Guushii ay City ka gaartay Leeds United shalay ayaa ka dhigtay inay laba dhibcood oo keliya ka hooseeyaan hoggaamiyeyaasha Premier League, kuwaas oo caawa gurigooda ku qaabilaya Chelsea.
Kadib guushii ka dhacday Elland Road, O’Reilly wuxuu yiri:
“Hadda waa inaan sii wadnaa cadaadiska; saddex dhibcood kasta waa muhiim. Waa inaan hore u soconnaa, welina waa inaan halkaan gurigeenna kula ciyaarnaa Arsenal.
“Waxaa jira kooxo nala tartamaya oo na daba socda; waa xaalad adag, balse waa inaan midownaa oo aanan quusan. Cadaadis badan ayaa jira sababtoo ah markaan garoonka galeyno waxaan ognahay inaan khasab ku tahay inaan badino.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxay wax badan kaa caawisaa inaad haysato kalsoonida ciyaartoy heer caalami ah, leh khibrad aad u weyn, kuwaas oo ka ciyaaray tartan kasta isla markaana wax walba ku guuleystay. Taasi waa arrin aad u weyn.”
Be the first to comment