Neymar Oo Ku Dhawaaday In Uu Ku Soo Laabto Yurub Xagaagii, Kooxdee Doonaysay?

Waxaa la shaaciyay in Napoli ay xagaagan si dhab ah uga fiirsatay inay la saxiixato xiddiga reer Brazil ee Neymar, oo ka tirsan kooxda Santos.

Sida ay qorayso La Gazzetta dello Sport, madaxda sare ee Napoli ayaa si dhab ah u tixgeliyay in ay Neymar dib ugu soo celiyaan qaaradda Yurub, kaddib markii uu hore uga ciyaaray Barcelona iyo PSG.

Madaxweynaha Napoli, Aurelio De Laurentiis, agaasimaha ciyaaraha Giovanni Manna, iyo tababaraha cusub Antonio Conte ayaa dhammaantood isku raacay in ay u dhaqaaqaan helitaanka xiddiga xulka Brazil.

Si kastaba ha ahaatee, xiisahooda Neymar ayaa hoos u dhacay marki ay ogaadeen in Kevin De Bruyne uu diyaar u yahay inuu ka tago Manchester City, taas oo beddeshay qorshahooda suuqa.

Inkasta oo Napoli ugu dambeyn ka tanaasushay saxiixa Neymar, haddana xiddiga iyo wakiiladiisa kama aysan saarin suuragalnimada uu mustaqbalka ugu dambeeya ee xirfadiisa ugu soo ciyaari karo Serie A gaar ahaan kooxda Napoli.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga