
Kooxda Chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa Premier League.
Chelsea ayaa rajadeeda u soo bixista champions League dhirbaaxo la kulantay kadib guuldaradii ay kala kulantay kooxda Newcastle.
Kooxda Newcastle ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha iyada oo Blues maamulaysay ciyaarta.
Newcastle ayaa daqiiqadii 2-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sandro Tonali kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Chelsea ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin.
Kooxda Newcastle ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Guimaraes Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle gaadhay guul ay ku gaadhay dhibicdii 63-aad ee kala saraynta horyaalka.
Be the first to comment