Newcastle Mise Liverpool? Marc Guehi Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Marc Guehi ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo u dhaqaaqista Liverpool marka loo eego Newcastle.

Kabtanka Crystal Palace ayaa hadda galaya sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Selhurst Park, waxaana lala xiriirinayay inuu baxo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Si kasta ha ahaatee Eagles ayaan wali helin wax dalab ah oo ku aadan xiddiga heerka caalami ee dalka England kaas oo ay ku qiimayso 40 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay Mirror, Liverpool ayaa ku jirtay booska ugu cadcad ee Guehi bishii hore laakiin waxay u weecdeen inay diirada saaraan saxiixa weeraryahanka Newcastle Alexander Isak. Sida ay wax u socdaan, Reds uma dhawa inay la soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden ka dib markii la diiday dalabkii furitaanka.

Dhanka kale, The Guardian ayaa soo wariyay in Magpies ay dib u soo nooleyn karto xiisahooda ka dib markii ay sameeyeen afar dalab oo kor ugu kacay 70 milyan ginni xagaagii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in Guehi uu doorbidayo inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League haddii uu ka tagayo Palace xagaagan.

Tani waxay dhabar jab kale ku noqon doontaa Newcastle iyadoo Benjamin Sesko uu qarka u saaran yahay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee iska diida Newcastle.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga