Neville: Uma Naxariisanayo Arsenal.

Halyeeyga Manchester United ahna khabiirka Gary Neville ayaa ku adkaystay inuusan wax naxariis ah u qabin dhibaatada dhaawaca ee Mikel Arteta ku Haysata Arsenal xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedka Arsenal waxa hadheeyay dhaawacyo xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigo badan ka Dhaawacmeen ilaa haatan.

Isagoo ka hadlayay Podcast-ka Gary Neville, halyeyga United ayaa yiri: “Waa inay wax la yimaadaan. Fiiri, waxaan idhi ka hor ciyaarta [Inta u dhaxaysa Tottenham Hotspur iyo Manchester United], wax yar ayaan u naxariistay Arsenal, waxay ogaayeen bilowgii xilli ciyaareedka in ayna haysan weeraryahano badan”.

” Way ogaayeen in ayna haysan weeraryahano badan laakiin haatan uma naxariisanayo iyaga haatan”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga