kabtankii hore ee Manchester United Gary Neville, ayaa sheegay in Manuel Ugarte uu ka tagi doono kooxda xagaagan, isla markaana uu la bixi doono Casemiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Neville wuxuu arrintan sheegay kadib guushii Manchester United ee 3–1 ay kaga adkaadeen Aston Villa kulankii Premier League Axaddii.
Isagoo ka hadlayay Sky Sports podcast-kooda, Neville wuxuu yiri:“Casemiro wuu tagayaa, waxaanan u maleynayaa in Ugarte sidoo kale uu tagi doono. Sidaas darteed Manchester United waxay u baahan tahay laba khad dhexe oo aad u fiican suuqa kala iibsiga xagaagan”
“Mid waa inuu noqdaa ciyaaryahan si fiican booska u ilaaliya, sida nooca Michael Carrick, mid kalena waa inuu noqdaa ciyaaryahan burburiya weerarka”
Manchester United waxay Ugarte ka soo iibsatay Paris Saint-Germain sanadkii 2024, laakiin khadka dhexe ayaan weli si fiican uga dhex muuqan kooxda Premier League.
Intii uu kooxda si ku meel gaar ah u maamulayay Michael Carrick, Ugarte xitaa ma helin hal kulan oo uu ku bilaabo safka hore ee Manchester United.
Be the first to comment