Nacho Oo Sharaxay Sababtii Uu Uga Tagay Real Madrid.

Daafaca reer Spain ee Nacho, ahna kabtanka kooxda reer Spain ee Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysay go’aankii uu kaga tagay Real Madrid xagaagan, ka dib markii uu u dhaqaaqay kooxda Sacuudiga ee Al-Qadisiyah oo uu u saxiixay qandaraas labo xilli ciyaareed ah.

Nacho ayaa u sheegay wargayska MARCA”“Waxaan sii joogi karay Real Madrid xilli ciyaareed kale, laakiin waxaan dareemay inaan u baahanahay inaan galo khibrad cusub, laakiin wax walba ayaan kula guuleystay Real Madrid, ma jiraan ii hadhay oo aan kula guulaysto”.

Kabtanka Real Madrid ayaa hadalkiisa raaciyay: “Laakin tani, dabcan, kama hor imaaneyso hamigayga, waxaan leeyahay hamiga ah inaan sii wado guulaha, waan ku faraxsanahay waxa soo socda”.

Isaga oo ka hadlaya wakhtiga uu qaatay go’aanka”Ma xasuusto maalin gaar ah waxa aan go’aansaday in aan sii joogo xilli ciyaareedkii hore, go’aanka wakhtigaasna waxa uu ahaa mid sax ah oo aan doonayo in aan guulaysto waxaan dareemay jacayl kooxda dhexdeeda ah, laakiin ku dhamaata sidan ayaa ah habka ugu fiican.”

Laacibka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:”Ma doonayn in aan ka hor yimaado Real Madrid sidaas darted ayaan uga tagay yurub oo dhan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga