Xiddiga reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo ah weeraryahanka kooxda Olympique Marseille ee Faransiiska, ayaa ka hadlay sababtii keentay inuu ka tago Barcelona kuna biiro Chelsea sanadkii 2022.
Ciyaaryahanka ayaa sheegay:
“Waxay ahayd khalad weyn, khalad weyn oo nacasnimo ah. Waqtigaas waxaan ku jiray xaalad adag Barcelona kaddib markii la isku dayay in gurigayga la xado.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Isla waqtigaas Barcelona waxay ku jirtay duruufo adag, xaaladahana waxay ku qasbeen in ay i iibiso ama iibiyaan Memphis Depay.”
Aubameyang ayaa intaas ku daray:
“Markaas kaliya dalabka Chelsea ayaa miiska saarnaa. Waxaan iri: waan tagayaa, qoyskayguna halkaas ayey joogaan — xitaa haddii kooxda ay tahay Chelsea.”
Wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa:
“Waxaan moodayay in wax walba si fiican u dhici doonaan. Olivier Giroud ayaa ka tagay Arsenal kuna biiray Chelsea, wax dhibaato ahna kama soo gaarin, laakiin xaaladeydu way ka duwanaatay tiisa.”
Be the first to comment