
Myles Lewis-Skelly ayaa ogolaaday heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu kula sii joogayo Arsenal ka dib markii uu iska diiday Real Madrid.
18-sano jirkaan xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo muhiim ah.
Xiddiga a 39 kulan u ciyaaray Arsenal tan ilaa markii uu kulankiisii horeeyay u saftay kooxda bishii September.
Waxa uu ka mid ahaa iddigaha Mikel Arteta muhiimka u ahaa xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda ka caawiyay in ay ku tartanto premier League.
Dhamaadkii xilli ciyaareedka Lewis-Skelly waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan garoonka Emirates waxana uu bilaabay in uu xiiso ka helo kooxda Real Madrid.
Si kasta ha ahaatee xiddiga reer England ayaa iska diiday Real Madrid waxana uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.
Be the first to comment