Tababaraha Liverpool Arne Slot Ayaa muujiyay niyad-jab weyn kadib guuldarradii 2-1 ee ka soo gaartay Manchester United kulankii horyaalka Premier League.
Labada gool ee ay Manchester United ka dhalisay garoonka Anfield Road waxaa kala dhaliyay Bryan Mbeumo iyo Harry Maguire, halka goolka kaliya ee Liverpool uu dhaliyay Cody Gakpo.
“Waxa aan arkaa in ay dadku iloobeen inta fursadood ee aan helnay kadib markii nalaga dhaliyay goolka qaybta hore”ayuu slot yidhi.
“Dabcan, cabsi way jirtaa. Haddii aad lumiso 4 kulan oo xiriir ah, waa wax iska dabiici ah in cabsi ay kugu faafto. Laakiin haddii aan sii wadno ciyaarista qaabkan, fursado ayaan u heli doonaa inaan guulo gaarno.”
“Haddii aan si fiican uga shaqeyno qaar ka mid ah arrimaha naga liita, waxaan heli doonaa fursado wanaagsan oo aan guulo ku gaarno.”
Be the first to comment