Muxuu Slot Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Fulham.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka oo gaadhay Fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa guuldaro 2/3 ah kala kulantay kooxda Fulham kulan 3 gool oo deg-deg ah laga dhaliyay Liverpool.

“Way adagtahay, sababta oo ah 3 gool ayaa nalaga dhaliyay 14 daqiiqo, inkasta oo ay Fulham leedahay tayo hadana khaladaadkeena ayaa nalooga dhaliyay goolasha”ayuu Slot yidhi.

“Guud ahaan ma samayno khaladaadkan oo kale iska dhaaf in aan hal kulan samayno 3 khalade, qaab ciyaareedkeena qaybtii dambe aad ayuu u fiicnaa laakiin way adagtahay in aad guul ka gaadho kulan heerkan ah hadii aad saddex gool lagaaga dhaliyo qaybta hore”.

“Nasiib daro waqti ayaa naga maqnaa dhamaadka dhamaadka si aan u dhalino gool seddexaad, dadku waxay rabaan inay sameeyaan sheekooyin taas oo ah shaqadooda, kooxo badan ayaa ku adag inay la ciyaaraan Fulham, qeybta labaad qaab ciyaareedkiisa wuxuu ahaa mid heer sare ah, waxaan helnay fursado laakiin dhamaadka waqti ayaa na caawin waayay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga