
Liverpool ayaa Heshiis Cusub ka saxiixatay xiddiga Mohamed Salah kaas oo sii joogaya kooxda ilaa sanadkan 2027.
Salah Soo afjaray hadal hayntii badnayd ee ku saabsanayd Mustaqbalkiisa iyada oo Heshiiskiisa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laakiin Salah ayaa haatan Heshiis Cusub u saxiixay kooxda.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego taageerayaasheenna aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan u saxiixay kooxda Heshiis Cusub sababtoo ah waxaan aaminsanahay inaan ku guuleysan karno koobab badan oo waaweyn si wadajir ah”.
“Sii wada taageeradeena anaguna waxa aan u ciyaari doonaa sida ugu fiican waxaana rajeyneynaa mustaqbalka inaan ku guuleysan doono koobab badan.”
Be the first to comment