Muxuu Ruben Amorim Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Bournemouth.

Tababaraha kooxda Man United ee Ruben Amorim ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League.

Man United ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka kana dhacay Old Trafford.

“Haatan way adagtahay in aan gaadhno 2 ama 3 guul oo xidhiidh ah laakiin waan isku dayaynaa, kulankan waxa uu ahaa mid nagu adag”.

“Waxa aan isku daynay in aan dhalino goolal laakiin waxa uu ahaa kulan adag aanu horay u socono”.

“Haddii aad eegto ciyaarta, wax fursado ah kuma aysan helayn goolkeena ka hor inta ayna dhalin goolka 1-aad, waxa aan helnay fursado fiican, hadii aanu dhalin lahayn goolka 1-aad ciyaartu way is badali lahayd axaan dooneynaa inaan gool dhalino laakiin aad ayaan u wal-walsanayn, waa in aan sii wadno dagaalka”.

“Waxa aan ku qasbanayn in aan is dajino kadib markii ay goolka dhaliyeen, waxa ay la mid ahayd sidii kulankii ugu dambeeyay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga