Muxuu Pep Guardiola Ka Yidhi Bar-Barihii Kooxdiisu La Gashay Newcastle United.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay barbarihii ay la galeen kooxda Newcastle United kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa barbardhac 1-1 ah la gashay dhigeeda Newcastle United, kulan ka tirsan wareegga lixaad ee horyaalka Premier League ee ka dhacay St. James Park.

Pep Guardiola ayaa u sheegay TNT Sport”Newcastle waxa ay heshay fursado 10-kii daqiiqo ee ugu horaysay iyo goolka ay dhaliyeen laakiin waxa aan guud ahaan u ciyaarnay si fiican”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan sameynay go’aamo qaldan daqiiqadii ugu dambeysay si aan u dhalino goolka labaad, mar walba halkaan way ku adag tahay marka loo eego awooda jireed ee kooxda naga soo horjeeda, waxaan helnay fursado badan, laakiin Bob wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, sidaa darteed waan ka faa’ideysaneynaa. fursadan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Markii aanu gool dhalinay si fiican ayaan u ciyaarnay, khalad ayaan samaynay ka dibna si fiican ayay u ciyaareen, laakiin wixii intaas ka dambeeyay ciyaarta ayaan dib u soo celinay waxana aan helnay fursado aan ku guulaysan karno”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga