Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Kulankii Bournemouth, Muxuuse Ka Yidhi Mustaqbalka Smith Rowe

Isagoo hadlayay ka dib kulankii Bournemouth ee Khamiista, Mikel Arteta ayaa la weydiiyay sababta Emile Smith Rowe uusan u ciyaarin kulankii ugu horeeyay ee Isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Mikel Arteta ayaa ku jawaabay: “Waxaa jira waxyaabo ka socda halka hoose sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aanan isticmaalin Smith Rowe”.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaarta, xitaa qeybta hore waxaan u maleynayaa inaan nahay kooxda heysatay fursado badan oo ay ku guuleysan karaan ciyaarta”.

“Waxaan dareemay inaan u ciyaarnay si fiican oo leh heer kala duwan, Waxay ahayd ciyaar wanaagsan”.

Sida laga soo xigtay ilo badan, Smith Rowe ayaa laga yaabaa inuu u ciyaaray Arsenal kulankiisii ​​ugu dambeeyay iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu qarka u saaran yahay inuu u saxiixo Fulham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga