Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Dhaawaca Gabriel

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta, ayaa muujiyey inuu ka xun yahay dhaawaca soo gaaray daafaca reer Brazil ee Gabriel ka hor kulanka Tottenham Hotspur ee Axadda soo socota, kaasoo ka tirsan wareega 12-aad ee Premier League-ka, sida uu sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka hor ciyaarta.

Marka laga hadlayo dhaawaca Gabriel, Arteta wuxuu yiri:
“Waxaa nasiib darro ah in Gabriel uu dhaawacmay intii uu la joogay xulka Brazil, wuxuuna maqnaan doonaa dhowr toddobaad. Arbacada soo socota ayaan samayn doonaa baaritaan dheeri ah (MRI), waxaana markaas si sax ah noogu caddaandoonta muddada uu garoomada ka maqnaan doono.”

Wuxuu ku daray:
“Shaki kuma jiro in maqnaanshaha Gabriel ay tahay dharbaaxo adag, waa hoggaamiyaha difaaceena, waana wax aan loo fasiri karin inuu yahay mid wanaagsan. Laakiin waxa nasii dejinaya ayaa ah inaan haysanno beddelaal awood leh, kuwaas oo hadda looga baahan yahay inay dib u soo celiyaan xasilloonida safka dambe.”

Daafaca reer Brazil ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado ilaa 1 ilaa 2 bil kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga