
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Everton kulan ka tirsanaa premier League.
Arsenal ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Everton kulan ka dhacay Goodison Park kana tirsanaa horyaalka.
“Haa, waan niyad jabay 100%. Waxaan aad u maamulnay ciyaarta. Waxa aan rajaynaynay in qaybtii danbe ee ciyaarta aan sii wadno maamulka laakiin si lama filaan ah ayuu garsooruhu go’aansaday in uu rikoodhe dhigo”ayuu yidhi.
“Waxa aan daawaday ku dhawaad 15 jeer laakiin ma ahayn rikoodhe”ayuu sii raaciyay.
“Everton aad ayay ugu wanaagsanatahay waxa ay qabtaan, waxa aan siinay khaladaad badan waxana ay sameeyeen waxyaabo badan”.
Be the first to comment