Muxuu Jorrel Hato Ka Yidhi Ku Biirista Chelsea.

Chelsea ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay daafaca Ajax Jorrel Hato heshiis ku kacaya 37 milyan ginni.

Waxa uu saxiixay heshiis todobo sano ah, waxaana uu noqday saxiixeeda afaraad ee xagaaga.

Inkasta oo uu jiro 19 Sano waxa uu ka mid yahay xiddigaha mustaqbalka fiican ku leh kubada cagta.

Chelsea ayaa ku garaacday Arsenal tartanka loogu jiro saxiixiisa. Waxaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Liverpool ka dib markii lagu arkay Anfield bishii January.

“Wax badan ayaan ka fikiray mustaqbalkayga, waxaana doonayay inaan qaado tillaabada xigta ee xirfadeyda, Chelsea waa meesha ugu fiican ee aan ku sameeyo taas, sidaas darteed aad ayaan u faraxsanahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga