
Tababaraha Kooxda Barcelona, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu 4-0 kaga badisay Real Sociedad.
Xiddigaha Gerard Martin, Marc Casado, Ronald Araujo iyo Robert Lewandowski ayaa Barcelona u dhaliyay goolasha.
Daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta ayaa kaarka cas loo taagay xiddiga kooxda Sociedad ee Aritz Elustondo.
Flick ayaa yiri, hadal uu qoray wargeyska Isbaanishka ee AS, “Kaarka cas ayaa wax badan ka bedelay ciyaarta Sociedad waa koox wanaagsan, laakiin waxaan u maleynayaa inaan cadaadis saarnay kooxda naga soo horjeeda oo aan u qalanay inaan badino”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Aadaabta wayn, waxa aanu dhalin karnay goolal badan, laakiin sidaas may noqon.”
Tababaraha Barcelona ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan ku faraxsanahay labada gool ee ay dhaliyeen Casado iyo Gerard Martin”.
Be the first to comment