
Xiddiga Florian Wirtz ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa maanta xaqiijisay in ay dhaamystirtay saxiixa xiddiga reer Germany.
“Ugu dambayntii waa la dhammeeyey, waxaana sugayay waqti dheer – ugu dambeyntii waa la sameeyay, runtiina waan ku faraxsanahay”.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in uu I sugayo khibrad cusub tani waxay sidoo kale ahayd qodob weyn oo fikirkeyga ah: inaan doonayo inaan helo wax cusub, inaan ka baxo Bundesliga iyo inaan ku biiro Premier League”.
“Waan arki doonaa sida aan halkaas ugu soo bandhigo, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo waxa ugu fiican, waxaan sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciyaartoyda halkaas ku ciyaaray, waxayna ii sheegeen inay aniga igu haboon tahay, garoon walbana waa uu fiican yahay, waxaad ku raaxeysan kartaa kulan kasta, waxaan rajeynayaa inaan ciyaaro kulankeygii ugu horeeyay.”
Be the first to comment