Muxuu Florian Wirtz Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Newcastle.

Xiddiga caalamiga ah reer Germany kana tirsan Liverpool, Florian Wirtz, ayaa ka hadlay saxaafadda kaddib guushii 4-1 ee ay ka gaareen Newcastle United kulankii wareegga 24-aad ee Horyaalka Premier League.

Ciyaaryahanka ayaa yiri:
“Aad ayaan u faraxsanahay. Sidaan sheegay ka hor kulanka, mar walba waan jeclahay inaan dhaliyo goolal, caawiyo goolal, isla markaana ka caawiyo kooxda inay guuleysato.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan doonayaa inaan sidan ku sii socdo, maxaa yeelay way i farxad gelisaa, waxayna i siisaa kalsooni dheeraad ah. Marka aad door ka qaadato guusha kooxda, had iyo jeer waa arrin aad u wanaagsan.”

Ugu dambeyn, isagoo ka hadlayay wada-shaqeyntiisa sii xoogeysaneysa ee Ekitike, wuxuu yiri:
“Waa ciyaaryahan cajiib ah. Waad aragteen maanta mar kale isagoo dhaliyay labo gool oo qurux badan. Runtii waa wax lagu farxo in lala ciyaaro garoonka dhexdiisa. Waan ku faraxsanahay inaan maanta u sameeyay caawin gool, kaddib caawino badan oo uu horay ii siiyay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga