Muxuu Enzo Maresca Ka Yidhi Guuldardii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Ipswich.

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Enzo Maresca ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Ipswich.

Chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Ipswich kulan ka tirsanaa premier League.

Tababaraha ayaa yiri: “Waxay ahayd kulan la yaab leh, sababtoo ah waxaan abuurnay fursado badan, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waanu dhalin karnay, laakiin waxay naga hor istaageen goolasha xariiqda goosha ama ay wax badan ka badbaadiyeen goolhayaha daqiiqadaha qaar.”

Marka laga hadlayo rigoorada: “Waxay yiraahdeen xoogaa daciif ah, laakiin waa inaan aqbalnaa inay tahay rigoore.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan sameynay afar isbedel kulankii ugu dambeeyay, sababtoo ah dhamaantood waa ay u qalmeen in ay ciyaaraan, haatan waxaan dhameynay qeybta koowaad ee xilli ciyaareedka, ma jirto cid naga filaneysay inaan joogno meel wanaagsan laakiin waan sameyn karnaa Waxyaabo badan ayaa ka fiican”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay: “Fursado ayaan ku helnay Joao Felix iyo Noni Madueke, marka ma ahan wax ku saabsan weeraryahanka, mararka qaar waxaad abuurtaa fursado mana kuu yimaadaan”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan diirada saaraynaa qaab ciyaareedkeena”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga