Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guushii AY Kooxdiisu Ka Gaadhay Dortmund.

Carlo Ancelotti, tababaraha Real Madrid, ayaa la hadlay saxaafada kadib guushii xiisaha lahayd ee ay ka gaareen Borussia Dortmund fiidnimadii shalay, ee Champions League.

Labada kooxood ayaa ku kulmay wareegii saddexaad ee tartanka Champions League, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu Stadium, halkaasoo Real Madrid ay ku badisay shan gool iyo labo.

Real Madrid ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku dhameysatay laba gool oo looga hor maray ka hor inta ayna soo laabasho samayn isla markaas qaybtii dambe ku badin 5/0.

Xiddiga Vinicius Junior ayaa wacdaro dhigay waxana uu dhaliyay 3 ka mid ah 5-tii gool ee ay kooxdiisu dhalisay.

Ancelotti ayaa yiri”Waxaan u maleynayaa inay si buuxda u cadahay waxa aan sameyno, kooxdu waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican qaybtii dambe waxana aan ciyaarnay qaybtii ugu fiicnayd xilli ciyaareedka”.

Isagoo ka hadlayay Vinicius Junior, wuxuu yiri: “Waxa aan dhihi karo waa naadir in ciyaaryahan uu bixiyo qeybtii labaad”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Kubadda Dahabka ah, waxaan u maleynayaa inuu ku guuleysan doono, laakiin ma ahan sababtoo ah caawa, sababtoo ah wixii uu sameeyay sanadkii hore oo uu naga caawiyay inaan ku guuleysano Champions League, seddexdan gool ayaa ka caawin doona inuu ku guuleysto sanadka soo socda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga