
Tababaraha Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in aanu filayn in kooxdiisu guuldaro weyn kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa champions League.
Real Madrid ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.
Ancelotti ayaa hadal uu soo saaray ciyaarta ka dib ku yidhi: “Waxay ahayd guul daro adag, ma aanan fileyn, qaybta hore waxa aanu u muuqanay mid aad u wanagsan, laakiin maskax ahaan iyo jidh ahaanba waanu burburay kadib labadii gool ee ciyaarta, sidaa darteed waxa aanu ciyaarta ku soo gabagabaynay si adag”.
Macallinka ayaa intaa ku daray, “Feceliskayagii caadiga ahaa ee ciyaaraha waa ay maqnaayeen, waa inaan nafteena ku dhaleecaynaa wixii aan maanta sameynay, oo aan sameyno wax walba oo lagama maarmaan ah si aan uga soo kabsano kulankaan.”
Ancelotti oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi”Ma aanan abuurin fursado badan,waxa ay ahayd in aan wax badan isku dayno,dabcan,waxa aan qaadayaa masuuliyada wixii dhacay shaki la’aan,laakin way adagtahay in aan sharaxo burburka kooxda”.
Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waan ku qanacsanahay kooxda ilaa ay 0-0 ku kala baxayaan, laakiin sidaan soo sheegay falcelinteena goolasha ayaa aheyd mid aad u liidata, waa dhibaato aan la kulanay xilli ciyaareedka oo dhan”.
Carletto ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Waxa ay adkaan doontaa in la dhamaystiro natiijada lugtii labaad,Arsenal ayaa maanta ahayd kooxda ugu fiicnayd,laakin intii lagu jiray saacada ciyaarta maanu xumayn laakiin waligay ma quusan doono”.
Be the first to comment