Dadaalkii ay Arsenal ku doonaysay Saxiixa daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay jahwareer labaad ka dib markii ay isku dhaceen labo ka mid ah kooxdiisii hore.
Kadib wadahadalo qaatay wakhti Arsenal ayaa la rumaysan yahay in ay Bologna kula heshiisay qiimo dhan 45 milyan oo euro.
Calafiori ayaa dhinaciisa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa xagaagan.
Si kasta ha ahaatee waxa Jira arimo dhaqaale oo wali hor tagaan heshiiska.
Ugu horayn kooxda Basel ayaa heshiiska xiddiga ku leh shardi ay ku helayso 50% lacagta lagu iibinayo taas oo la macno ah in ay helayso 19 milyan oo euro.
Haatan, Gazzetta dello Sport ayaa sheeganeysa in Roma ay sidoo kale gashay dagaalka sharciga ah iyaga oo sheegaynaya in ay lacag ku leeyihiin heshiiska iyaga oo sheegaya in ay heshiiska Calafiori ku dareen shardi ay ku helayaan qayb lacagta lagu iibinayo xiddiga mustaqbqlka.
Be the first to comment