Xiddiga Chelsea ee Cole Palmer ayaa la filayaa inuu ka maqnaado garoomada ilaa bisha November isagoo weli la tacaalaya dhaawac joogto ah oo ku haya muruqa.
Ciyaaryahanka 23 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkan ku koobnaa afar kulan oo keliya tartamada oo dhan sababtuna tahay dhaawacan muruqa ah.
Palmer waxaa laga saaray ciyaartii Premier League ee Chelsea 5-1 ku garaacday West Ham dhowr daqiiqo ka hor intaan ciyaartu bilaaban, kadibna si degdeg ah ayaa loogu celiyay garoomada ciyaartii ay Chelsea guuldarada kala kulantay Man United.
Warbixin ka soo baxday BBC Sport ayaa sheegaysa in Palmer la filayo inuu garoomada ka maqnaado ilaa November, taasoo ka dhigan inuu suuragal ahaan ka maqnaan doono ciyaaraha ay Chelsea la ciyaari doonto Nottingham Forest, Ajax, Sunderland iyo Wolves.
Tababaraha England, Thomas Tuchel, ayaa ka tanaasulay inuu Palmer ku daro kooxda England ee ugu dambeysay ee wajihi doonta Wales iyo Latvia, isagoo sii wado dadaalka uu ku doonayo inuu si buuxda u soo kabto.
Be the first to comment