
Goolkii uu Mohamed Salah ka dhaliyay Ipswich Town ayaan kaliya ka caawin Kooxdiisa in ay 2/0 ku qabato kulankii ka dhacay Anfield premier league.
Xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa si qurux badan goolka ugu dhaliyay kooxdiisa.
Salah ayaa Kooxdiisa ka caawiyey in ay 4/1 ku badiyaan iyaga oo 6 dhibcood ka saraysa kooxda Arsenal.
Goolkii Salah ayaa ah goolkiisii 100-aad ee uu ka dhaliyay Anfield tartanka Premier League.
Sidoo kale Salah ayaa kaalinta 7-aad ka galay gooldhalinta Taariikhda premier league.
Salah ayaa dhaafay Halyeeyga Premier League ee Thierry Henry.
Be the first to comment