Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Guushii Ay Liverpool Ka Gaadhay Burnley.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay guushii diriqa ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Burnley.

Liverpool ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Burnley kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Garoonka Turf Moor.

Gool uu Salah dhaliyay ayaa ka caawiyay Liverpool in ay gaadho guusheedii 4-aad oo xidhiidh ah premier League.

“Koox adag ayaan la ciyaarnay maanta. Waxaan bixinay wax walba si aan u jebinno khadkooda difaaca, wayna adkayd, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan ku guulaysanay”ayuu Salah yidhi.

“Waxaan haysannaa ciyaartoy cusub oo kusoo bilowday shaxda, mar walbana waxay qaadataa waqti in ay la qabsadaan qaab ciyaareedkeena”.

“Waxaan sameynaa dadaal kasta si aan kalsooni u galino iyaga”.

“Hal shay ayaa naga dhexeeya – marnaba ma niyad jabno. Waxaan is riixnaa ilaa xadkeena ugu dambeeya, maanta na sidaas ayaan sameynay anagoo ah hal koox.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga