
Halyeeyga Liverpool Mohamed Salah ayaa jabiyay rikoor kale oo Premier League ah iyadoo Reds ay 5-1 ku xasuuqday Tottenham Hotspur si ay ugu guuleysato horyaalka iyadoo afar kulan ay u harsan tahay.
Ragga Arne Slot waxay ogaayeen in hal dhibic oo kaliya ay ku filan tahay si ay ugu guulaysato premier League.
Salah ayaa dhaliyay gool qaybtii dambe isaga oo sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa premier League.
Xiddiga Salah ayaa jabiyay rikoodh kale oo goolasha ugu badan ee uu dhaliyay xiddig ajnabi ah premier League isaga oo dhaliyay goolkiisii 185-aad.
Kahor tartankii Axadii, Salah iyo Halyeeyga Manchester City Sergio Aguero ayaa bar-baro ku ahaa min 184 gool laakiin Salah ayaa haatan dhaafay xiddiga reer Argentine isaga oo noqday xiddiga ajnabiga ah ee ugu goolasha badan taariikhda premier League.
Natiijo ahaan, Salah ayaa sidoo kale hadda si toos ah u ah gooldhaliyaha shanaad ee ugu goolasha badan Premier League taariikhda, kaliya afar ciyaaryahan oo Ingriis ah oo kala Andy Cole (187), Wayne Rooney (208), Harry Kane (213) iyo Alan Shearer (260) ayuu ka dambeeyaa.
Be the first to comment