
Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa isku dayi doona inuu gaaro taariikh kale oo Premier League ah marka ay Reds wajahdo Bournemouth sabtida kulanka Premier League ee ka dhacaya Vitality Stadium.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa dhaliyay goolkiisii 176-aad ee Premier League isbuucii hore ciyaartii ay 4-1 kaga badiyeen Ipswich Town, taasoo keentay inuu dhaafo Thierry Henry gooldhalinta premier League.
Salah ayaa u baahan hal gool oo kale si uu u bar-bareeyo Frank Lampard oo dhaliyay 177 gool oo Premier League ah, laakiin hal gool ayuu ka dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka horyimid Bournemouth, isagoo hore u dhaliyay lixdii kulan ee ugu horeysay.
Si kastaba ha ahaatee, 32-sano jirkaan ayaa a filayaa in uu hogaamiyo weerarka kooxda Liverpool iyada oo Arne Slot doonayo in uu guulo gaadho.
Be the first to comment