Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsan premier League.
Reds ayaa ahayd kooxda fiican ee ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Bournemouth.
Kooxda Bournemouth ayaa iska cabin kala hor tagtay kooxda Liverpool iyaga oo ku qaadayay weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 30-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Reds ahayd kooxda fiican halka ay Bournemouth samaysay fursado fiican.
Daqiiqadii 75-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Mohamed Salah oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League.
Be the first to comment