Mohamed Salah Oo Bar-Bareeyay Rikoodhka Gooldhalinta Ee Halyeey Premier League

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada jabinta rikoodhada premier League laga dhiga.

Salah ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa qaybta hore kulanka ay la ciyaarayaan Bournemouth kulan ka tirsan premier League.

Kadib goolka Salah ayaa bar-bareeyay rikoodhka goolasha ee Halyeeyga Chelsea ee Frank Lampard.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 177-aad ee taariikhdiisa horyaalka premier League.

Salah ayaa haatan noqday xiddiga 6-aad ee ugu goolasha badan taariikhda premier League isaga oo la bar-baro ah Frank Lampard.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga