Mohamed Salah Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Ay Dhigeen Henry Iyo Shearer.

Mohamed Salah ayaa barbareeyay rekoodh ay haysteen kaliya Thierry Henry iyo Alan Shearer kadib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii Brighton and Hove Albion.

Liverpool ayaa Axadii guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsnaa premier League.

Goolkii uu dhaliyay Salah ayaa haatan dhaliyay 25 gool xilli ciyaareedkan, sidoo kale waa xilli ciyaareedkii todobaad oo xiriir ah horyaalka Premier League ee uu xiddiga reer Masar maamulo tiradaas.

Natiijo ahaan, Salah wuxuu ku biiray Henry iyo Shearer si uu u noqdo ciyaaryahankii seddexaad ee dhaliya 25 gool iyo wax ka badan todoba xilli ciyaareed.

Liverpool ayaa hadda laba dhibcood oo nadiif ah ku haysa hogaanka horyaalka Premier Leaque kadib markii ay kooxaha Arsenal iyo Manchester City barbaro 0-0 ah ku galeen Etihad Stadium.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga