Miyuu Saka Ciyaari Karaa Kulanka Palace, Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya in Bukayo Saka uu tartan ugu jiro inuu ka soo muuqdo kulanka Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace habeenka Arbacada.

Saka ayay jug xun ka soo gaadhay kuraanta kulankii ay kooxda Arsenal ka badisay kooxda Ipswich premier League.

Bukayo a ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 57-aad waxana la arkay iyada oo baraf laga saaray kuraanta markii la badalay.

“Waa inaan sugno oo aragnaa sida uu uga falceliyo fadhiga ka dib laakiin ma ahan wax aad u daran,” Arteta ayaa yiri.

Markii la weydiiyay haddii ay jirto ‘fursad wanaagsan’ oo Saka uu ka ciyaari karo Palace, Arteta wuxuu yiri: ‘Haa, haddii aan rabno wuxuu heli doonaa fursad wanaagsan oo uu ku ciyaaro berri.’

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga