Miyuu Robert Lewandowski Ciyaari Doonaa Kulanka Benfica?

Tababaraha Barcelona ee Hansi Flick, ayaa shaaca ka qaaday mowqifka xiddigiisa reer Poland, Robert Lewandowski, ee ku aadan ka qeyb galka kulanka ay la ciyaarayaan Benfica champions League.

Lewandowski waxa uu dareemay raaxo la’aan ka hor kulankii Rayo Vallecano ee tartanka La Liga kaasoo la baajiyay geeridii dhakhtarka Barcelona ka dib, kaasoo la ciyaari doono waqti dambe.

Kooxda Barcelona ayaa martigelin doonta kooxda Benfica lugta labaad Quarter-Final-ka champions League.

Hansi Flick ayaa hadlay, isagoo leh, “Lewandowski? Waxa uu awoodaa inuu u ciyaaro sida ugu fiican. Intii lagu guda jiray diyaarinta kulanka Osasuna, waxa uu dareemay xoogaa raaxo la’aan ah laakiin hada wuu fiicanyahay”.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo badiyay kulankii lugta hore ee tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga