Miyuu Rashford Heli Doonaa Bilada Europa League

Manchester United ayaa caawa haysata fursadii ugu dambaysay ee ay xili ciyaareedkan ku soo gabagabeyn karto koob isla markaana ay ku xaqiijin lahayd inay dib ugu soo laabato Champions League.

Man United ayaa ku jirta xilli cigaareed adag iyaga oo ku jira kaalmo aad u hooseeya premier League.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro qof ka tirsan United oo ka fikiri doona kulanka Aston Villa isbuucaan, iyadoo diirada la saarayo finalka Europa League oo ay la ciyaarayaan Tottenham caawa.

Kooxda Amorim ayaa bilada Europa League siin doonta xiddiga Marcus Rashford hadii ay ku guulaystaan tartanka.

Xeerarka UEFA ayaa dhigaya: “Kooxda ku guulaysata waxa la guddoonsiiyaa 50 billadood oo dahab ah, kaalinta labaadna waxa la guddoonsiiyey 50 billadood oo qalin ah.”

Marcus Rashford ayaa lix kulan u saftay tartankan Man United ka hor Christmas-ka, isagoo dhaliyay goolna caawiye ka ahaa kulankii ay barbaraha la galeen Porto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga