Miyuu Lucas Perez Ka Hor Tagi Doona Kulanka Caawa Ee Champions League

Lucas Perez ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda ay Arsenal  wareega 16-ka champions League la ciyaarayso ee PSV Eindhoven.

Weeraryahankii hore ee Arsenal ayaa bilaa koox ahaa ka dib markii uu arkay qandaraaskii uu kula jiray kooxda Deportivo La Coruna oo la joojiyay sababo shaqsi ah bishii January.

Laakiin waxaa la soo wareegay PSV oo u dhaqaaqday saxiixa badalka Ricardo Pepi kaas oo la filayo in uu muddo garoomada uga maqnaado dhaawac jilibka ah.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaan caawa ka Hor Tagi doonin kooxdiisii hore champions League.

Lucas Perez ayaan Kaga Diwaan galin liiska kooxda PSV ee xiddigaha ay Kaga qayb gali doonaan kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga