Barcelona ayaa isku diyaarinaya inay la ciyaarto kooxdeeda cadowga ah ee Real Madrid kulan adag oo El Clásico ah oo dhici doona fiidnimada Axadda, garoonka Santiago Bernabéu, taasoo qayb ka ah horyaalka La Liga ee Spain.
Xaaladda daafaca Faransiiska ah Jules Koundé ee ku aaddan ka qaybgalka kulanka weli si buuxda looma xaqiijin, balse wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in uu ciyaari doono dhibaato la’aan, maadaama uu subaxnimadii Sabtida la tababartay saaxiibadiis kooxdiisa Barcelona.
Waxaa la filayaa in ciyaaryahanka lagu daro liiska safarka ee Barcelona u socda Madrid, balse liiskaas kuma jiri doono weeraryahanka reer Brazil Raphinha, kaas oo weli ka maqan kooxda sababo la xiriira inuusan si buuxda uga soo kabsanin dhaawacii dhowaan haleelay.
Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa sheegay in Jules Koundé lagu sameyn doono tijaabo ugu dambeysa si loo go’aamiyo inuu ka qeyb geli karo El Clásico iyo in kale, halka labada ciyaaryahan ee kale — Frenkie de Jong (Holland) iyo Andreas Christensen (Denmark) — ay diyaar u yihiin inay ciyaaraan kulanka.
Waxaa sidoo kale la filayaa in kooxda Barcelona ay u safarto caasimadda Spain ee Madrid maanta fiidkii saacaddu marka ay tahay 7:45 fiidnimo waqtiga maxalliga ah.
Be the first to comment