Miyuu Dhaawaca Yoro Iyo Rasmus Wax Ka Badalayaa Qorshaha Man United Ee Suuqa? Ten Hag Ayaa Ka Jawaabay.

Erik ten Hag ayaa sheegay in Manchester United aysan isku dayi doonin suuqa kala iibsiga si ay ula soo saxiixato bedelka xiddigaha dhaawacan ee Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund.

Red Devils ayaa ku dhibtoonaysay xilli ciyaareedkii 2023/24 arrimo la xidhiidha dhaawac joogto ah oo soo gaadhay xiddigaha kooxda.

Durba dhaawacyo ayaa ku bilowday kooxda ka hor ilaabashada xilli ciyaareedka cusub iyada oo xiddigaha Yoro iyo Rasmus muddo dhaawac uga maqnaan doonaan kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga weydiiyay saameynta ay ku yeelan karto maqnaanshaha labada ciyaaryahan ee soo socda, tababarihii hore ee Ajax ayaa ku adkeystay in dhaawacyadan oo kale la filayo.

Ten Hag ayaa yiri: “Waxaan sugayaa su’aashan, dabcan. Laakiin taasi waa qayb ka mid ah kubada cagta – kubada cagta sare gaar ahaan Markaa dhaawacyada ma aha kuwo laga badbaadi karo”.

Mar wax laga weydiiyey in dhaawacyada xiddigaha ay ku qasbi doonto in ay suuqa galaan ayuu yidhi”Maya, Tani waxba ma badalayso,qorshe ayaanu wadnaa, qorshahana waanu ku adkaysannay, qorshahana waanu fulinaynaa, sida aan maskaxdayada ugu hayno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga