Miyuu Dani Olmo Ciyaari Doonaa Kulanka Sabtida? Flick Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa ku rajo weyn in Dani Olmo uu diyaar u yahay inuu u safto kulankiisii ​​ugu horeysay ee kooxda sabtida kulanka La Liga ee ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao.

Olmo ayaa Barcelona kaga soo biiray RB Leipzig 9-kii August laakiin waxa uu seegay kulanka Valencia ee Todobaadkii hore iyada oo aan laga diwaan galin La Liga.

Waxaa la fahamsan yahay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain aan wali loo fasixin in uu ciyaaro laakiin Flick ayaa ku rajo weyn in xaaladu ay isbedeli doonto si uu 26-sano jirkaan ugu qeyb galo kulanka Athletic.

“Ma ahan shaqadeyda inaan ka hadlo diiwaan gelinta, runtii waan jeclahay shaqadiisa, diyaar ayuu u yahay inuu ciyaaro, waxaan rajeynayaa inuu diyaar u noqon doono berri”

“waa ciyaaryahan cajiib ah, waxaan ku arkaa tababarka isagoo cadaadis saaran yahay” ayuu Flick u sheegay suxufiyiinta intii uu socday. shirkiisa jaraa’id ee Jimcihii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga