Miyuu Alexander Isak Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Merseyside Derby? Slot Ayaa Ka Jawaabay.

Arne Slot wuxuu si qarsoodi ah uga hadlay markii la weydiiyay haddii Alexander Isak uu ku bilaaban doono kooxda Liverpool kulanka Merseyside derby ee ay la ciyaarayaan Everton.

Isak weli ma uusan ciyaarin kulan Premier League ah oo uu u saftay Liverpool tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Newcastle maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, isagoo ku yimid heshiis rikoor cusub u ah Britain oo gaaraya £125 milyan.

Weeraryahanka ayaa laga saaray kooxda Liverpool ee wajahday Burnley si uu diiradda u saaro tababarka iyo dhisidda taam ahaanshihiisa jidheed.

Laakiin Isak ayaa ku bilowday ciyaarta uu Liverpool 3-2 kaga adkaaday Atletico Madrid ee tartanka Champions League Arbacadii, isagoo ciyaaray 58 daqiiqo kulankiisii ugu horreeyay ee uu u safto Reds.

“Ma rumaysni inaan warbaahinta wax badan uga sheego maalinta ka horreysa ciyaarta,” ayuu Slot u sheegay wariyeyaasha shirkiisa warbaahineed ee ka hor Merseyside derby-ga Anfield.

“Khamiistii waxa aan qaadanay nasasho kadib waxa aan tababar qaadanay jimcihii mar hore aan aragno sida ay u fal celiyaan”

“Waxaan ogahay in Alex uu u badan tahay inuu jidhkiisa dareemay si ka badan sidii hore ka dib 60-kii daqiiqo ee uu ciyaaray [Atletico], markaa aan aragno sida uu maanta u soo kabsaday, ka dibna waxaan arki doonnaa liiska ciyaartoyda galabta, waxaadna arki doontaan berri.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga