Miyay Real Madrid Samayn Doonta Saxiix Cusub Inta Ka Dhiman Suuqa Xagaaga.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa mar kale sheegay in kooxdiisu aysan samayn doonin saxiixyo cusub marxaladaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Los Blancos ayaa haatan seddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Toni Kroos uu ka fariistay ciyaaraha dhamaadkii xilli ciyaareedka 2023-24, halka Eduardo Camavinga iyo Jude Bellingham ay labadoodaba dhaawac ku maqan yihiin ilaa dhamaadka September.

Nacho ayaa sidoo kale qaab xor ah uga tagay kooxda bilowgii suuqa halka Real Madrid ay u ogolaatay Mario Martin inuu amaah ugu biiro Real Valladolid inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa samaysay laba saxiix xagaagan iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Kylian Mbappe iyo Endrick laakiin Ancelotti ayaa sheegay in aanay kooxdiisu wax saxiix cusub ah samayn doonin.

“Ma ahan khatar [in loo ogolaado Martin inuu baxo]. Waxaan haysanaa xiddigo aan adeegsan karno, xiddigaha da’yarka way fiican yihii, Tchouameni ayaa sidoo kale ku laaban kara daafaca inta aan sugayno Alaba”ayuu Ancelotti yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga