Miyay Olomo Iyo Yamal Ciyaari Doonaan Kulanka Sevilla Ee La Liga.

Wargeysyada Isbaanishka ayaa shaaca ka qaaday mowqifka labada ciyaaryahan ee Lamine Yamal iyo Dani Olmo, ee ka qeyb galka Barcelona kulanka soo socda ee Seville ee horyaalka Spain.

Barcelona ayaa soo laabanaysa ka dib fasaxa caalamiga ah, si ay u wajahdo Sevilla wareega tobnaad ee horyaalka Spain, garoonka Luis Companis, Axadda.

Dani Olmo ayaa ku dhaawacmay ciyaartii Girona ee bishii September ee la soo dhaafay, halka Lamine Yamal uu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii Spain iyo Denmark Nations League.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in Lamine Yamal ay u badantahay in uu seego kulanka Sevilla iyada oo kooxdu go’aansatay in ayna halis galin xiddiga.

Dhinaca kale Dani Olmo ayaa la filayaa inuu ku soo laabto kooxda usbuuca soo socda, laakiin waxay kuxirantahay heerka soo kabsashadiisa iyo ka qayb galka tababarka kooxda Khamiista soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga