Miyay Man United La Soo Saxiixanaysaa Daafac Kale? Ten Hag Ayaa Ka Jawaabay.

Erik ten Hag ma uusan shaacin xog badan oo ku saabsan qorshaha suuqa kala iibsiga ee Manchester United markii la waydiiyay inay doonayaan inay la soo wareegaan daafac dhexe oo kale.

Red Devils ayaa ku garaacday Real Madrid saxiixa Leny Yoro, oo 18 jir ah, kaasoo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Man United ayaa wali lala xidhiidhinayaa saxiixa Matthijs De Ligt iyo Jarrad Branthwaite.

kastaba ha ahaatee, Ten Hag ayaa diiday In uu shaaciyo xiddiga ay kooxdiisu u dhaqaaqayso labada daafac.

Shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulanka Arsenal ayuu Ten Hag yidhi”Waxaan u maleynayaa inaan ku mashquulsannahay [booska dambeedka dhexe] laakiin si joogto ah ayaan u shaqeynaa”

“Wax wanaagsan ayaa ah inaan horay ula soo saxiixannay labo ciyaaryahan (Yoro iyo Joshua Zirkzee).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga