Miyay Man United Heshay Emiliano Martinez, Tababarihiisa Oo Shaki Badan Dhaliyay .

Tababaraha Aston Villa Unai Emery ayaa qirtay inuusan garanayn in Emiliano Martinez uu kooxda joogi doonowaxi ka dambeeya maanta oo  Isniinta ah ee suuqa kala iibsiga  xermayo iyadoo ay xiiseynayaan Manchester United.

Shayaadiinta cas cas ayaa xilli ciyaareedkooda ku bilowday qaab ciyaareed liita, hal guul, hal barbardhac iyo guuldarro labo ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan 2025-26.

Tababaraha kooxda Ruben Amorim ayaa ilaa hadda  safay goolhayaha Altay Bayindir  isaga oo badalay Andre Onana, laakiin goolhayaha ayaan ilaa haatan ku guulaysan in uu soo bandhigo heer ciyaareed wacan.

United ayaa lala xiriirinayay saxiixa Martinez, xiddiga reer Argentine kuma jirin kooxdii Villa ee guuldarada ka soo gaartay Crystal Palace Axadii, iyadoo la isla dhexmarayay in uu ku sii jeedo  Old Trafford.

Emery waxa uu awoodi waayay in uu go’aan rasmi ah ka bixiyo mustaqbalka Martinez, isaga oo u sheegay suxufiyiinta: “Waan arki doonaa maanta, wax badan ma sheegi karo.

United ayaa ku qasbanaan doonta in ay si dhaqsi ah u dhaqaaqdo hadii ay doonayaan in ay la soo wareegaan goolhayaha iyadoo  xermayo suuqa kala iibsiga .

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga