
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka warbixiyay taam ahaanshaha saxiixyada cusub, Viktor Gyokeres iyo Martin Zubimendi ka hor kulanka Manchester United.
Labada Gyokeres iyo Zubimendi ayaa Emirates ka yimid xagaag Sporting CP iyo Real Sociedad.
Arteta ayaa hadda sheegay in ay labadooduba ka soo muuqan karaan Old Trafford Axadda, iyada oo ay jirto walaac yar oo laga qabo taam ahaanshahooda iyo la qabsigooda kooxda.
“Isaga [Gyokeres] wuu soo fiicnaanayaa maalin kasta”.
“Sida caadiga ah waa ciyaartoy taam ah waxa uu nala qaatay kaliya laba kulan isku diyaarintii Xilli Ciyaareerdka sidaas darteed waan eegaynaa Axada sida ay wax u dhacaab”.
“Martin [Zubimendi] waxa uu si weyn ugu soo biiray kooxda, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay isaga, waxa uu taam u noqon doonaa Axada,” Arteta ayaa sidaas yidhi.
Be the first to comment