Miyay Arsenal Waddo Sharafeed U Samaynaysaa Liverpool Kulanka Axada? Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay kulanka ay booqanayaan Liverpool Axada.

Arsenal ayaa booqanaysa Anfield kulan ka tirsanaa premier League iyada oo lagu kala baxay tartanka premier League.

Chelsea ayaa Axadii hore waddo sharafeed u samaysay kooxda Liverpool maadama ay ku guulaysteen horyaalka premier League.

Arteta ayaa sheegay in ay kooxdiisuna raaci doonto wadada Chelsea isla markaas waddo sharafeed u samayn doonto Liverpool kulanka Axada.

“Waxay ahaayeen kooxda ugu fiican, kuwa ugu joogtaynta badan”ayuu yidhi tababare Arteta.

“Waxa Arne iyo shaqaalaha tababarka ay sameeyeen waa mid soo jiidasho leh, runtii aad ayay u fiicneyd, taasi waa ciyaaraha kubada cagta, Hadii qof kaa fiicanyahay waa in aad u sacabiso isla markaas aad aqbasho”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga