Miyay Arsenal Saxiixyo Cusub Samaynaysaa Suuqa January? Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay qorshihiisa suuqa Kala iibsiga January.

Bisha soo socota waxa furmi doona suuqa kala iibsiga iyada oo kooxuhu u gali doonaan suuqa si ay u xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca weerarka waxana jirta hadal hayn la sheegayo in ay Arsenal suuqa u gali doonto saxiixyo cusub.

Arteta ayaa wax laga waydiiyay hadii ay wax saxiix ah samayn doonaan suuqa January marka uu furmo bisha soo socota.

“Si buuxda ayaan ugu kalsoonahay kooxda iyo ciyaartoydeena”ayuu Arteta ku jawaabay markii wax laga waydiiyay hadii ay samaynayaan saxiixyo cusub.

“Qaddarka aan ka soo saarno kulanka iyo inta yar ee aan ka helno waxaan si buuxda u aaminsanahay ciyaartoydeyda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga