
Mike Dean ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto racfaan kasta oo ay ka gaarto ganaaxa seddexda kulan ah ee Myles Lewis-Skelly uu wajahayo ka dib casaankii uu ciyaaryahanka qaatay kulankii Wolverhampton Wanderers.
Michael Oliver ayaa kaarka cas u taagay Lewis-Skelly ka dib khalad uu ku galay Matt Doherty daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore ee ciyaarta.
VAR ayaa ku raacday garsooraha go’aankiisa waxana uu xiddigu haatan ganaax ku seegi doonaa 3-da kulan ee soo socota.
Garsoorihii hore ee Premier League ayaa u sheegay Sky Sports News”wax aan u malaynayaa in ay Racfaan ka qaadan karaan”.
“Hadii gudiga racfaanku dib u daawato dhacdada waxa aan qabaa in ay ku guulaysan doonaan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment