Mikel Obi Oo Saadaaliyay Meesha Ay Chelsea Kaga Dhamaysan Doonto Premier Leageu Xilli Ciyaareedkan.

Ciyaaryahankii hore ee Super Eagles, John Mikel Obi, ayaa saadaaliyay meesha Chelsea ay kaga dhamaysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa podcast-ka, Mikel Obi ayaa qirtay in kooxdiisii hore aysan ka mid noqon doonin tartanka horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu saadaaliyay inay ku dhameyn doonaan afarta kaalmo ee hore.

“Waxaan u maleynayaa inaanan ku guuleysan doonin horyaalka xilli ciyaareedkan,” ayuu Mikel Obi yiri

“Waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay wax yar oo waayo-aragnimo ah marka laga hadlayo guulaysiga horyaalka”

“Laakiin waxaan u maleynayaa in afarta kaalmo ee hore ay tahay bartilmaameedka xilli ciyaareedkan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga